Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga Somaliland oo Kulan La Qaatay Madaxda Hay’adda SDF

0
739

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Horumarinta Xeebaha Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac, ayaa waxaa uu maanta Xafiiskiisa kullan kula qaatay Madax ka socotay Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF.

Kulankan oo daarnaa isbarasho iyo is xogwaraysi ku saabsan Mashaariicda Horumarineed ee ay ka qabteen arrimaha kalluunka iyo xeebaha ee ay ka shaqeeyaan.

Madaxda SDF, ayaa Wasiirka u mahad naqay iyagoo sidoo kale Wasiirka ugu hambalyeeyay xilka Wasaaraddaasi ee loo soo magacaabay.

Ugu dambayntii Wasiirka, ayaa u mahad naqay Madaxda ka socotay SDF isagoo ku booriyay inay Mashaariicda ay gacanta ku hayaan halkaasi ka sii wadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here