Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo Gaadhay Magaalada Laascaanood

0
1645
Wasiir-koore

Laascaanood (HP): Wefti uu hogaaminayo wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Saleebaan Cali Koore, ayaa maanta safar shaqo ku tegay magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Wasiirka iyo weftiga la socday waxaa soo dhaweeyay maamulka gobolka Sool, ka degmadda Laascaanood, taliyaha ciidamadda booliska ee qaybta gobolka Sool iyo masuuliyiin kale.

Waxaanay markii ay gaadheen magaaladda Laascaanood waxay soo kormeereen qaybaha kala duwan cusbitaalka guud ee magaaladda iyo adeegyadda ay bulshadu ka helaan.

Iyadoo ay warbixin ka dhegaysteen isu-duwaha wasaaradda caafimaadka ee Sool Dr. Maxamuud Xaaji Khaliif, oo faahfaahin ka bixiyay dedaaladda ay wadaan ee lagu tacaalayo faaftaanka Covid-19.

Waxa kaloo iyagna warbixino siiyay weftiga wasiirka guddiga la tacaalidda caabuqa Coronavirus ee gobolka Sool, dhakhaatiirta iyo bahda caafimaadka ee ka hawl gala cusbitaalka Laascaanood.

U jeedadda weftiga uu hogaaminayo wasiirka warfaafintu ku tegay Laascaanood waxaa ugu muhiimsan in ay u sideen gobolka Sool caawimooyin kala duwan oo uu ka mid yahay raashin caawimo ah oo loogu tallo galay qoysaska danyarta ah ee uu noloshoodda saameyay xanuunka coronavirus.

Sidoo kale waxay gaadhsiiyeen qalab isugu jiray daawooyin, qalabka lagaga gaashaanto xanuunka Covid-19, Masarrada afka lagu xidho, waxyaabaha nadaafadda loo isticmaalo.

Daawo Hadaladii Wasiirka iyo Masuuliyiinta:

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here