Hargaysa (HP): Wasiirka Warfaafinta Somaliland ayaa ka hadlay toban sanno guurada ka soi wareegtay markii la aasaasay idaacadda Quraanka Kariimka ah ee radio Hargeisa.
Wasiir Cali-mareexaan, ayaa maanta ka warbixiyay waxyaabaha ay bulshadda u faa’iidaysay idaacadaasi mudadda ay jirtay.
Waxaanu wasiirku ku bogaadiyay shaqaalaha ka hawl galla idaacada Quraanka hawsha qiimaha leh ee ay dadka u hayaan.
Sidoo kale Cali-mareexaan, ayaa faah-faahiyay duruusta ka baxa idaacadda Quraanka ee radio Hargaysa, sida Quraanka Kariimka ah, Tafsiirka Quraanka, iyo casharada kale ee diiniga ah ee idaacadaasi ka baxa.
DAAWO: Hadalka Wasiirka Warfaafinta JSL:
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.