Wasiirka Shaqadda Oo Kaalmo Gaadhsiisay Qoysaskii Dabku Bur-buriyay Ee Xaafadda Istanbul Hargaysa

0
760

“Waxaanu sid naa ma aha wax ku filan dadkayga balse waxaanu is nidhi inta aanu gabalku dhicin wax uun aad u gaysaan”… wasiir Hinda Gaandi

Hargaysa (Hargeisa Press.com): Wasiirka wasaaradda shaqo gelinta iyo arrimaha bulshadda Somaliland ayaa maanta caawimo kala gedisan gaadhsiisay qoysaskii ku guryo beelay dabkii habeen hore ka kacay xaafadda Istanbul ee koonfur bari Hargaysa.

Wasiir Hinda Jaamac Gandi, ayaa qoysaskaasi gaadhsiisay agab isugu jiray qaybaha kala duwan ee maacunta, Timir, Booyado Biyo ah, Busteyaal, Dhar iyo Bacaha Guryaha lagu dhisto.

Kuwaasoo ay wasaaradu kaga qayb qaadanayso gurmadka deg dega ah  ee dadkaasi u baahan yihiin.

Wasiirka oo la hadlaysay qoysaskaasi danyarta ah ee Dabku barakiciyay, waxay tidhi  “Waxaanu sid naa ma aha wax ku filan dadkayga.

Ma na aha wixii  aanu keenay ee ugu danbeeyey,  ee waxaanu is nidhi inta aanu gabalku dhicin wax uun aad meesha gaysaan”.

“Waxaanu idiin wadnaa laba Booyadood oo biyo ah, boqol iyo lixdan Buste, boqol  iyo lixdan Bacood, saddex Bundadood oo Dhar ah, labaatan kartoon oo Timir ah iyo raashin gar gaarka deg dega ah”ayay tidhi wasiir Hinda.

Hinda Jaamac Gandi,   ayaa ugu danbayn ALLE  uga bariday dadkii Ku nafwaayay Dabka habeen hore qabsaday xaafadaasi isku-raranta ah in ILLAAHAY SWT  u naxariisto intii Ku dhaawacantay na  u booga dhayo.

Dabkaasi habeen hore ka kacay xaafadda isku-raranta ah ee Istanbul oo ku taalla koonfurta Bari ee Hargaysa ayay ku dhinteen laba ruux, halka dhawr kale-na ay ku dhaawacmeen.

Iyadoo uu Dabkaasi bur-buriyay in ka badan 200 oo guryo buulal iyo cooshado ahaa, kuwaasoo  dhamaantoodba shuf-beelay.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here