𝗛𝗮𝗿𝗴𝗲𝘆𝘀𝗮,(HargeisaPress)– Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Marwo Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi, ayaa maanta guddoomisay kulan muhiim ah oo lagu dardargelinayo wajiga saddexaad ee mashaariicda Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF),Waxaana kulanka ka soo qayb galay madaxda wasaaraddaha fulin doona mashaarciida laga maal galin doono wajiga saddexaad ee sanduuqa.
Kulankan oo ah mid is xogwarysi ah ayaa diiradda lagu saaray falanqaynta diyaar-garowga wajiga cusub ee mashaariicda, iyadoo si gaar ah loo eegay qaab-dhismeedka hirgelinta, jadwalka bilowga hawlaha, iyo sidii loo dardargelin lahaa waxqabadka si waafaqsan qorshaha horumarineed ee qaranka.
Wajiga saddexaad ee Sanduuqa SDF ayaa xooga saaraya mashaariic kor u qaadaya koboca dhaqaalaha iyo nolosha bulshada, gaar ahaan dhanka beeraha, biyaha iyo xanaanada xoolaha – kuwaas oo laf-dhabar u ah nolosha bulshada reer Somaliland.
Intii uu kulanku socday, waxa la isweydaarsaday aragtiyo wax-ku-ool ah iyo talooyin ku wajahan xoojinta wada-shaqaynta iyo is-fahamka dhexmara Wasaaradaha iyo maamulka SDF, si loo hubiyo in mashaariicda la hirgelinayo ay si buuxda uga jawaabaan baahiyaha dhabta ah ee shacabka.
Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka waxaa ka go’an in ay xoojiso wada-shaqaynta iyo is-fahamka dawlada iyo maamulka Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF), si loo xaqiijiyo in mashaariicda horumarineed ee wajiga saddexaad loo hirgeliyo si hufan, waxtar leh, isla markaana ay ka turjumayaan baahiyaha dhabta ah ee bulshada.