Wasiirka madaxtooyadda oo Wajigabax kala Kulmay shirar beeleedyo uu ka Qayb galay + Maxaa sababay in Wasiirka Madaxtooyaddu ka hadli waayo shirarkii Qorilugud iyo Qaloocan.

0
793
Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiirka madaxtooyadda somaliland mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa wajigabax kala Kulmay shirar beeleedyo lagaga arinsanayay deegaanadda  Qorilugud iyo Qaloocan oo uu dhawaan ka qayb galay isaga iyo qaarka Tirsan Golaha wasiiradda iyo Xisbiga Kulmiye.
Shirarkani oo muhiimadoodu  ahayd siddii looga arrinsan lahaa adkaynta nabadgalyadda deegaanadaasi isla markaasna wax looga qaban lahaa horumarinta deegaanadaasi ee dhinacyadda Caafimaadka, Waxbarashadda , iyo biyaha ayaa kusoo dhamaaday guul .
balse wasiirka madaxtooyadda mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo markii hore ka qayb galay shirkii beelaha solomadow ayaa la sheegay inuu wasiirku ka been sheegay balanqaad uu wasiirku hore ugu balanqaaday deegaanka qorilugud kaasi oo la sheegay inuu la xidhiidhay tabasho beeshaasi ka qabto  waxqabadka xukumadda xisbiga Kulmiye ka dhalatay, waxaana goobta aad loogu sacabo tumay dhaliilo kooban oo Boqor Buurmadow u jeediyay madaxddii ka socotay Xukumadda.
Wasiirka Madaxtooyadda somaliland mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan  iyo weftiga kale ee ka Socday Xukumadda iyo Xisbiga Kulmiye ayaa siddoo kale dhaliilo iyo cabasho xoog badan oo waxqabad la,aan ah ka tirsaday Xukumadda Madaxweyne Axmed siilaanyo balse Wasiirka Madaxtooyadda oo Cabashadaasi ka Jawaabaya ayaa yidhi ” Iidoor Sal Fududaa Wuxuu Sugayo muu dhowro” , wuxuuna siddoo kale hadalkiisa sii raaciyay ” waan soo socdaa kow dheh waxana waan sidaa laba dheh ” .
Xidhiidhiyaha Shirka Beesha Ibraahim Sheikh Isxaaq  oo Mudane Jaamac Xaaji Muxumud  oo aad moodaysay inuu aad uga Cadhooday hadalka Wasiirka ayaa si aan cadho ka muuqato ku bilaabay hadalkiisii waxaanna ka mid ahaa weedhihiisii ” Waan ka xumahay in maanta markaan wax sheeganay arrintaasi lanoogu maahmaaho , anagaa xaal  isa siinay afkayga iyo deegaanba xaal baan ka siinayaa , xukumadda maanta wakhtigeeedu dhamaaday ee leh arrintaas ku maahmaahaysa maxaynu ka sugnaa “.
Wasiirka Madaxtooyadda oo u muuqday mid si gaar ah Hadalkani u qaabtay ayaa durbadiiba kasoo ambabaxay Magaaladda Qaloocan waxaanna uu si xawli ah kusoo dhaafay Magaaladda Burco ee xarunta Gobolka Togdheer  ,halkaasi oo dadkii joogay u micneeyeen in wasiirka Madaxtooyaddu kasoo duday shirkii beelaha sanbuur ee Qaloocan.
Dhanka kalenna dadweynaha somaliland oo aad ugu xidhan Barta wasiirka Madaxtooyaddu ku leeyahya shabakadaha Bulshada ayaa dareenkale ka u fasirtay kadib markii wasiirku shirarkaasi afka ka xidhay .
HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here