Hargeisa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaarada Maalgashiga Somaliland Maxamed Axmed Cawad, ayaa waxaa uu shaaciyay in laga helay xanuunka Coronavirus.
Wasiirka Maalgashiga Somaliland ayaa sheegay in baadhitaan kadib haatan ay xaaladdiisa caafimaad wanaagsan tahay.
Wasiir Maxamed Axmed Cawad ayaa sidaasi waxaa uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitterka.
Dhinaca kale, warar xogogaal ah oo ay helayso Warbaahinta Hargeisapress ayaa waxaa ay sheegayaan in Wasiir labaad oo ka tirsan xukuumada Somaliland isna laga helay xanuunka Coronavirus.
Waxaan sameeyey Baadhitaanka caabuqa Covid19, jawaabtuna positive bay noqotay Xaaladayduna way fiican tahay. Wax xanuun ah oo aan dareemaya ma jirto #Somaliland #COVID19
— Mohamed Ahmed (Awad) (@CAWADAYN) June 1, 2020
Hargeisapress Desk