Somaliland iyo Midowga Yurub oo Ka Wadahadley Deeqaha Caafimaad

0
2975

Hargeisa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaarada Caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdilaahi ayaa kulan la yeeshay Safiirka ururka Midowga Yurub u qaabilsan Arimaha Somaliland iyo Soomaaliya Amb. Nicolás Berlanga Martinez iyo madaxda Hay”adda World Vision ee Somaliland.

Kulankan ay wada yeesheen Wasiirka caafimaadka Somaliland, Safiirka midowga Yurub iyo madaxda Hay”adda World Vison ayaa ahaa mid dhinaca muuqaalka online-ka.

Wasiirka caafimaadka Somaliland ayaa safiirka midowga Yurub Ambsador Nicloas Berlanga kala hadley deeqaha uu midowga Yurub siiyo Somaliland ee la xidhiidha dhinaca Caafimaadka.

Sidoo kale, wasiirka caafimaadka Somaliland Cumar Cali Cabdilaahi ayaa madaxda hay”adda World Vision kala hadley sidii qoondo loogu dari lahaa mashaariicda dhanka caafimaadka ee ay hay”addu kawado Somaliland iyo waliba taakulaynta xanuunka Conavirus ee kusii faafaya Somaliland.

Wasiirka caafimaadka Somaliland ayaa ka warbixiyay kulankaasi uu la yeeshay madaxda midowga Yurub iyo Hay”adda World Vision.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here