Wasiirka Maalgashiga Somaliland oo Shaaciyey In Laga Helay Coronavirus

0
5949

Hargeisa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaarada Maalgashiga Somaliland Maxamed Axmed Cawad, ayaa waxaa uu shaaciyay in laga helay xanuunka Coronavirus.

Wasiirka Maalgashiga Somaliland ayaa sheegay in baadhitaan kadib haatan ay xaaladdiisa caafimaad wanaagsan tahay.

Wasiir Maxamed Axmed Cawad ayaa sidaasi waxaa uu ku sheegay qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitterka.

Dhinaca kale, warar xogogaal ah oo ay helayso Warbaahinta Hargeisapress ayaa waxaa ay sheegayaan in Wasiir labaad oo ka tirsan xukuumada Somaliland isna laga helay xanuunka Coronavirus.

 

Hargeisapress Desk

LEAVE A REPLY