Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland Jamaal Maxamed Jaamac Cashuur, ayaa sheegay in socdaal uu Raysal wasaaraha Soomaaliya ku tago Laascaanood aanay waxba ka beddeli karin in magaaladaasi ay ka tirsan tahay Jamhuuriyadda Somaliland.
Wasiirka, ayaa sheegay in imaanshaha Laascaanood ee Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre aanay noqonayn mid qaddiyada Somaliland iyo dedaalkeeda dawladnimo wax ka bedeli kara, isla-markaana aan waxna ku biirin karin Xukuumadda Soomaaliya ka talisa.
Waxaa uu Wasiirku xusay in Xukuumadda Madaxweyne Cirro, ay xilka qabatay, iyada oo Laascaanood ay ka maqan tahay gacanta Somaliland, balse ay ku dedaalayaan in ay dariiq kasta oo nabadeed u marto xalinta xalka Laascaanood.
Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland Jamaal Maxamed Jamaac, ayaa wuxuu sidaasi ku sheegay qoraal uu soo saaray oo u dhignaa sidan:-
“Tegista Laascaanood ee Xamse Cabdi Barre, Raysal wasaaraha Soomaaliya, waxba kama beddelayso jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland.
Laascaanood waxa ay ka mid tahay qayb ka tahay dhulka Somaliland Laakin wakhtigan kuma jirto gacanta Dawladda Somaliland, oo waxa ay gacanteeda ka baxday ka dib markii Xukuumaddii hore ee Somaliland ay xallin kari wayday dhibaatooyin isdaba joogay ee dadka deegaanku tirsanayeen ayna sidoo kalana ku guuldaraysatay siyaasadd ahaan in ay ku xaliso dhibaatadii halkaas ka dhacday dabayaaqadii sannadkii 2022-kii iyo kuwii ka horeeyeyba.
Xukuumadda Madaxweyne Cirro, waxa ay xilka qabatay, iyada oo Laascaanood ay ka maqan tahay gacanta Somaliland, waxaanay ku dedaalaysaa in ay dariiq kasta oo nabadeed u marto xalinta xalka Laascaanood, lagumana canaan karo imaanshaha Xamse Cabdi Barre ee Laascaanood maadaama ayna xiligan maamulin.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu dhawr jeer ku baaqay nabad iyo in wanaag lagu xaliyo dhibaatada ka dhacday Gobolka Sool, isaga oo sidoo kalena magacaabay guddi gaar ah oo arrimahaas ka shaqeeya, waxaana uu ku dadaalayaa nabaydayna deegaanadaas iyo in wixii la kala tabanayo lagu dhameeyo wadahadal xal waarana laga gaadho.
Imaanshaha Laascaanood ee Xamse Cabdi Barre ma noqonayo mid qaddiyada Somaliland iyo dedaalkeeda dawladnimo wax ka bedeli kara, waxna kuma biirin karo Xukuumadda Soomaaliya ka talisa.”