Wasiirka Hawlaha Guud oo Kormeeray Mashaariicda Dowladda Ee Ceerigaabo

0
487

Ceerigaabo (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Hawlaha Guud, Dhulka, iyo Guriyaynta Somaliland iyo wefti uu hogaaminayay, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay magaaladda Ceerigaabo, ee xarunta gobolka Sanaag.

Wasiirka waxaa kormeerkasi ku wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaradaasi, iyo xubno ka mid ah agaasime waaxeedyadda wasaaradda Hawlaha Guud. Waxaana weftigaasi xafiiskiisa ku soo dhaweeyay guddoomiye ku-xigeenka gobolka Sanaag Jaamac Maxamuud Warsame.

Weftigu waxay soo kormeereen xarunta terminalka garroonka diyaarradaha magaaladda Ceerigaabo, oo uu dhismihiisu socdo, goobta xarunta u noqonaysa Dab-demiska Ceerigaabo, iyo mashruuca Master Plann-ka magaaladda Ceerigaabo.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Hawlaha Guud ee Somaliland Maxamuud Suldaan, oo warbaahinta uga warbixiyay u jeedadda kormeerkoodda ayaa sheegay in socdaalkoodani uu qayb ka yahay safar shaqo oo weftigan wasiirku hogaaminayaa ku soo marayaan goboladda Barriga.

Waxaanu yidhi “Hawlaha aanu u soconay, waa in aanu dar-dar gelino, oo kormeerno, wixii qabyo ah, iyo wax aka qabsoomay mashaariicda la qorsheeyay in aanu sanadkan hirgelino. Saddex qodob ayaa ugu muhiimsan kormeerkayaga.

In la kormeero danta guud, dhul, iyo dhisme ba, ee ay wasaaradu qaranka uga masuulka tahay. In la dar-dar geliyo kiro ururinta guryaha dawladda. In la kormeero mashaariicda dhismeyaasha ee ay dawladu waddo, ee laga maal-gelinayo miisaaniyadda qaranka”.

Geesta kale guddoomiyaha shirkadda gacanta ku haysa dhismaha Teerminal-ka garroonka diyaarradaha Ceerigaabo, ayaa sheegay in ay meel gebagebo ah marayso hawsha dhismaha Teerminaal-kaasi, isla markaana ay rejaynayaan in ay dhamaystirayaan inta aanu sanadkani dhamaanin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here