Wasiirka Gaadiidka Oo Sheegay In Dhakhso Wax Looga Qabanayo Biriishka Burco Oo Bur-bursan

0
742

Burco (Hargeisa Press.com): Wefti ay ka mid yihiin wasiirka gaadiidka  guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland Cali Ibraahim Jaamac (Cali Baqdaadi) oo safar  ku marayay gobolada bari ayaa   gaadhay magaaladda Burco.

Waxaanay warbaahintu wax ka weydiisay xaalada gobolka Sanaag oo safarkoodu daaranaa, waxaana ay sheegeen in wadahadal u socday Dableyda  Caare iyo madax dhaqameedkiisa, taasi oo nabad lagu doonayo in lagu gaadho khilaafka dawladda Somaliland iyo Dableyda Caare.

Wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan,  oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi “Arintaasi waxa gacanta ku haya odayaasha dhaqanka oo u tagay markii shaqaaqadu dhacday.

Markaa hawl kastaa waxa ay ku dhamaanaysaa Caare waxa uu ka tirsan yahay waa nin Somalilander ah inaguna waxa aynu ku soo caano maalnay sodonkaasi sanadood-ba.

Wax kastoo inaga hor yimaada inaynu is nabadgalyo ah ku dhamaysano xukuumadda goaankeedu waxa weeyi hawshaasi inay ku dhamaato si nabadgelyo ah”.

“Markaa cid kastoo dhankeena iyo dhankooda ka dhimanayaaba dadkeena weeyaan markaa masuuliyadduna waxa ay saaran tahay masuuliyinta iyo dadkaasi la doortay oo ILLAAHAY SWT-na kala xisaabtamayaa.

Markaa dawladdu waxa ay ku dedaalaysaa in hawshaasi boqolkiiba boqol ay ku dhamaato si nabadgelyo ah”ayuu yidhi wasiir C/laahi Abokor.

Wasiirka oo ka jawaabayey suaal warbaahintu ka weydiisay biriishka Burco ayaa waxa uu yidhi “Biriishka Burco waa xaqiiq oo waxyeelo waxa gaadhsiiyey roobabkii waaweynaa.

Waxaa la sameeyey daraasadii iyo sidii wax looga qaban lahaa markaa waxa aanu rajaynaynaa todobaadyadan soo socda ay u iman doonaan Injineeradii.

Markaa imika daraasadii waxaa la sameeyey iyo sidii wax looga qaban lahaa waxaana la sii dayn doonaa kharashkii uu madaxweynuhu u ogolaaday markaa cidii wax ka qaban lahayd iyo Injineeradiiba waxbay ka qaban doonaan”.

Geesta kale guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “midi waa arinka jabhada Caare ee aad weydiinayseen wasiirka oo anagu waxaanu ka nimid Ceerigaabo oo wadahadal ayaa socda odeyaashii,  beesha uu ka soo jeedo Caare iyo isaga laftarkiisii ayaa wada fadhiya.

Markaa wixii ka soo baxa ayeynu sugi doonaa oo aynu ku go’aan qaadanaynaa. Arinta biriishka Burco ee xidhan lacagtii ku baxaysay waa la ogolaaday waxaanan filayaa ilaa labada todobaad ee soo socda in iyagana laga shaqayn doono”.

 

Guddoomiyaha baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland oo ka jawaabayey suaal warbaahintu ka weydiisay arinta bedelaada lacagta gobolka Sool oo wali laga sii isticmaalo lacagtii Soomaaliya.

Waxaanu   ku jawaabay “Arinta lacagta bedelaada lacagta hawl yar maaha waa laga bedeli karaa. Waananu ku talo jirnaana lacagta ku dhex socotaana ee kale.

Marka la isku geeyo waa lacag yar oo 40 Kun oo Dollar ma aha waxa ka dhex socdaana. Waana  Mobile money oo dollar ah, lacag ka dhex shaqaysa oo kaash ahba,  way  yar tahay markaa Insha ALLAAH  waanu ku talo jirnaa doorkii hore ee tagayna waanu soo darisnay”ayuu yidhi guddoomiyaha baanka dhexe.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here