Wasiirka Duulista Somaliland oo la kulmay Madaxa Dowladda Ingiriiska ee Somaliland

0
722

Hargeysa,(HargeisaPress)– Wasiirka Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda Fuaad Axmed Nuux ayaa maanta kulan kula qaatay Xafiiskiisa Madaxa Xafiiska Dowladda Ingiriiska ee Somaliland Mr. Ilyas Malek, kulankaasi oo lagaga wada hadlay sidii ay Dowladda UK uga taageeri lahayd Somaliland adeegyada Duulimaadyada iyo Horumarinta Kaabayaasha Madaaradda.

Madaxa Xafiiska Dowladda UK Mr. Ilyas Malek ayaa isaguna dhinaciisa xusay UK ay ka mid tahay wadamada sida wayn Somaliland uga taageera Horumarka, waxaanu hoosta ka xariiqay inay Wasaaradda Duulista kala shaqayn doonaan horumarinta adeegyada Duulimaadyada iyo Madaaradda.

Ugu dambayntii Wasiirka Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda ayaa uga mahad-celiyay Dawladda Ingiriiska kaalinta ay ku leedahay taageerada mashaariicda horumarinta ee Somaliland.

Kulankaasi waxa Wasiirka ku wehelinayay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada Yuusuf Kayse Cabdillaahi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here