Wasiirka Duulista oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Dalka Tukriga U Qaabilsan Somaliland iyo Somaliya + SAWIRRO

0
1353

Hargeysa, (HargeisaPress) โ€” Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo Hawada iyo Gaadiidka Cirka Cismaan C/laahi Saxardiid (Cadaani) ayaa saaka Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Somaliya/ iyo Somaliland ee Dalka Tukriga Oglan bekar bey aule, Safiirka waxaa kulankan ku wehelinayey dhinaca Tukriga Qunsuka Somaliland ee Dalka Tukriga Muzaffer yuksel, dhina Somaliland waxaa Wasiirka Kulankan ku wehelinaayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista Cumar Sayid C/laahi Aadan, Agaasimaha Waaxda Duulimaadyada Siciid Mahadi Ileeye, Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo hawl wadeeno kale.

12744256_1681672175383400_847925032016117778_n

Kulankan ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii loo adkayan lahaa xidhiidhka Labada Dal iskaashi buuxana loo yeelan lahaa, sidoo kale waxaa kulankan xooga lagu saaray sidii Dawlada Tkrigu Somaliland uga caawin lahayd qaar ka mid ah adeegyada Arimaha Bulshada oo kala ah:-

Tababaro la siiyo Hawlwadeenada Madaarada Somaliland kuwaas oo kor loogu qaado xirfadooda Shaqada.

WASIR CAD

Dhismaha Terminal casri ah oo laga hir galiyo Madaarka Cigaal International Airport.Dhismaha Taawar laga hago Diyaaradaha oo cusub, oo laga hir galiyo Madaarka Cigaal International Airport.

 

Waxa kale oo uu Wasiirka Duulistu ka Hadlay Maamulka Hawda Somaliya iyo Somaliland oo ay Gacanta ku hayso Hayโ€™adda Qaramada Midoobay u Qaabilsan Duulimaadyada ee Marka Magceeda la soo gaabiyo la yidhaa ICAO, waxaanu Wasiirku Waftiga u cadeeyay in aanay marnaba cid kale Hawadooda ku wareejinayanin, isaga oo sheegay in ay Aaminsanyihiin Heshiiskii Labada Madaxweyne ee Somaliya iyo Somaliland ku kala saxeexdeen Dalka Tukriga, waxaanu soo jeediyey in wada hadlkaa Hawada iyo heshiiskaas dib loo soo nooleeyo.

WASIR CAD 3

Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo qaaday sidii loo fududayan lahaa in ay Diyaarada Caalamiga ah ee Turkish Arline duulimaadyo uga bilaabi lahayad Groomada Somaliland.

WASIR CAD 2

Kulankan ayaa ku dhamaaday is fahan iyo is afgarad iyada oo Safiirka Tukrigu balan qadaay in uu Dawladiisa u gudbin doono, caawimada, iyo Arimaha ay u soo jeediyeen , Masuuliyiinta Wasaardda Duulistu Somaliland.

WASIR CAD 7

Dhinaca kale Wasiirka Wasaarada Duulista iyo Safiirka Tukriga, Qunsulka Tukriga ee Somaliland, waxa ay shalay galab Gagada Diyaaradaha ee Cigaal International Airport.

 

Ku sii sabootiyeen Guddoomiye Ku Xigeenka Gudida Arimaha Dibada Baarlamka Dalka Tukriga Mudane C. Kani torum, oo Dalka Somaliland booqasho ku Joogay.

 

 

HargeisaPress News Desk โ€” Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here