Wasiirka Degaanka oo Furay Tababar Ku Saabsan Samaynta Gir-gireyaasha Dhuxusha Beekhaamiya

0
667

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda degaanka iyo isbedelka cimiladda ee Somaliland Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa maanta magaaladda Hargeysa ka furtay tababar ku saabsan sidii loo samayn lahaa Gir-gireyaasha Dhuxusha beekhaamiya.

Tababarkan, ayaa lagaga gal leeyahay sidii loo yarayn lahaa isticmaalka Dhuxusha, isla markaana hoos loogu dhigi lahaa jarista dhirta qiimaha leh ee dhuxusha laga shido oo dhulkeena ku keentay xaaluf darran.

Tababarkan oo socon doona muddo laba maalmood ah, waxaa ka qayb qaadanaya qaar ka mida dadka ka ganacsadda ama iibiya Gir-gireyaasha Dhuxusha beekhaamiya.

Sidoo kale, waxaa tababarkani ka qayb gelaya qaar ka mid ah dadka iyagu sameeya Gir-gireyaasha Dhuxusha beekhaamiya ee magaaladda Hargeysa ku nool.

Iyadoona la doonayo ama qorshuhu yahay sidii dadkaasi ka ganacsadda iyo kuwa sameeyaba loogu taageeri lahaa ama gacan looga siin lahaa hawshaasi samaynta Gir-gireyaasha Dhuxusha beekhaamiya.

Waxaana inta tababarkani uu socdo lagu baranayaa sidii loo samayn lahaa Gir-gireyaal casriya oo ah nooca gudaha dalka lagu sameeyo ee Dhuxusha beekhaamiya.

Sida ay sheegtay wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo hadal ka jeedisay furitaanka tababarkaasi ee maanta.

Tababarkani waxaa wasaaradda deegaanka Somaliland ka taageertay am aka gacan siisay qabsoomidiisa iyo maalgelinta samaynta Gir-gireyaashaasi haayadda caalamiga ah ee UNDP oo ka mida haayadaha wadanka ka hawl gala ee wasaaradda deegaanka wadda shaqaynta leeyihiin.

 

DAAWO: Hadalkii wasiirka Degaanka Ee Furitaanka Tababarkaasi:

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here