Wasiirka Deegaanka Oo Amar Ka Soo Saartay Duur Joogta Ay Shacabku Haystaan

0
1003

Hargaysa (HP): Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland ayaa soo saartay wareegto lagu mamnuucayo in duur joogta lagu haysto Hudheeladda iyo Guryaha.

Wareegtadaasi oo ka soo baxday xafiiska wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland Shurki Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa lagu sheegay in ay mamnuuc tahay in duur joogta dalka lagu haysto Hudheeladda iyo guryaha.

Taasoo dhiiri gelinaysa in bulshadda inteedda kalena ay duurka ka soo qabsadaan duur joogta. Sida uu dhigayo xeerka ilaalinta Kaymaha iyo duur joogta ee jamhuuriyadda Somaliland xeer LN. 69/2015-ka.

Kaasoo sheegaya in wasaaradu masuul ka tahay daryeelidda iyo ilaalinta duur joogta dalka, si loo bad-baadiyo loona daryeelo.

Waxaana wareegtadaasi lagu socod siiyay dhamaanba guddoomiyeyaasha goboladda dalka, iyo maayarrada magaallooyinka dalka.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here