Wasiirka Deegaanka Oo Ka Hadashay Dhibaato Ka Dhacday Dooxadda BIJI

0
725

Hargeisa (HP): Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa sheegtay in ay xal laga gaadhay dhibaato ka taagnayd dooxa Biji oo ku yaalla Woqooyiga.

Halkaasoo maalmihii u danbeeyay ay ka taagnayd dhibaato u dhaxaysay dadka deegaanka, kuwaasoo Gubay, isla markaana baabiiyay dhul aad u fara badan oo ay markii hore si sharci darro ah u ooteen dadka deegaankaasi.

Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo maanta shir jaraa’id ku qabatay xafiiskeedda waxa kaloo ay sheegtay  in dooxa Biji oo ku yaalla meel ay ku kulmaan saddexda gobol ee Gabiley, Maroodijeex, iyo Awdal.

Kaasoo sidan oo kale ay ka dhacday sanadkii 2017-kii, balse la soo af-jaray kadib markii ay xukuumadda Somaliland iyo odayaasha iyo waxgaradka deegaamadaasi ka hawl galeen.

Sidoo kale isla dhacdadan danbe ee cusub waxaa  si wada jir ah uga wada hawl galeen maamulka gobolka Maroodijeex, oo ay wehelinayeen cuqaal, waxgarad iyo isku-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Maroodijeex.

Shukri Baandare, ayaa u mahad celisay maamulka gobolka Maroodijeex, iyo cuqaasha iyo waxgaradkii ka hawl galay debinta dhibaatadda ka taagan dooxadda Biji.

Wasiirka ayaa arrintaasi ku tilmaantay in ay ka mid tahay dhibaatooyinka dhul-boobka oo tobankii sanadood ee u danbeeyayba ka taagnaa dhamaanba goboladda dalka Somaliland.

Geesta kale wasiir Shukri Baandare, waxay sheegtay in ay ka wasaarad ahaan qorshe  ka leeyihiin arrimaha dhul-boobka ee goboladda dalka ka taagan, iyagoo u marraya shuruucda iyo xeerarka ay wasaaradu ku shaqayso.

Iyadoo dhulkaasi oo muddo ka maqnaa gacanta dawladda wixii hadda ka danbeeya dib loogu soo celin doonno dawladda, isla markaana loo aqoonsaday dhul-daaqsimeed.

Cidii mar kale isku dayda in ay oodato ama beerro ka dhigato in sharciga lala tiigsan doono, sida ay sheegtay wasiir Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here