Wasiirka Deegaanka oo furtay shirka daneeyeyaasha arrimaha deegaanka

0
758

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo isbadelka cimiladda Somaliland Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa maanta magaalada Hargeysa ka furtay shirka isku xidhka daneeyeyaasha arrimaha deegaanka.

Shirkan, ayaa waxaa ka qayb galay, hay’adda iyo ururrada wasaaradda Deegaanka kala shaqeeya deegaanka, agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka, agaasime waaxeedyada wasaaradda.

Shirkan oo sadexdii biloodba hal mar la qabto, ayaa lagu falaanqeynayay waxyaabaha laga qabto wadaagaha deegaanka, waxaa qorshaysan iyo caqabadaha jira.

Waxaa shirka layskula eegay sida wax looga qaban karo dhibaatooyinka haysata deegaanka, si kor loogu qaado wadashaqeynta arrimaha deegaanka iyadoo layska kaashanayo kulanka.

Madaxdii iyo saraakiishii shirka goob jooga ka ahaa, ayaa si qoto dheer uga waramay muhiida shirka iyo ujeedada laga leeyahay in la qabto.

Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo isbadelka cimiladda Somaliland Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare oo shirka furtay, ayaa ka sheekaysay faa’idada ay leedahay joogteynta shirarka iyo kulamada lagaga hadlayo arrimaha deegaanka, si layskaga waraysto waxyaabaha la qabtay, kuwa qorshaysan, kuwa aan qabsoomin iyo caqabadaha jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here