Wasiirka Deegaanka JSL Oo Shir La Yeeshay Som ReP BIZRA iyo AQN

0
272

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaarada deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Bandare, ayaa maanta kulan la yeelatay masuuliyiin ka kala socday UN-ka.


Waxaanay wasiirku xafiiskeedda kulan kula qaadatay madax ka kala socotay haayaddaha ku midoobay dalada Som ReP iyo la taliyeyaal ka kala socday BIZRA iyo AQN International Firm.

Kuwaas oo dood iyo falan qayn ka yeeshay sidii loo diyaarin lahaa qorshaha iyo siyaasada lagu hagayo lacagaha lagu bixiyo yaraynta neefaha sunta ah ee hawada lagu sii daayo (Carbon dioxide).

Sidoo kale waxaa kulankaasi lagu soo qaaday sidii si guud na wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka haysta deegaanka.

Dhibaatooyinkaasi oo ay ka mid yihiin sida xaalufka iyo nabaad-guurka iyo saamaynta isbedelka cimiladau ku yeeshay deegaanka.

Kulankaasi oo ka qabsoomay xafiiska wasiirka deegaanka JSL ayaa ku soo dhamaaday is fahan iyo in halkaa hore looga sii socdo.

Geesta kale wasiirka iyo masuuliyiintaasi waxaa kulanka ku wehelinayay qaar ka mida aagasime waaxeedyada wasaaradda Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda Somaliland.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here