Wasiirka Caafimaadka Somaliland oo Kormeeray cusbitaalka guud ee Magaalada Balligubadle

0
414

Hargeysa,(HargeisaPress)–Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr.Xuseen Bashiir Xirsi oo qayb ka ahaa Waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay Madaxwaynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro ee dhagax dhiga wadada xidhiidhisa magaalooyinka Hargaysa iyo Balligubadle. markii ay soo dhamaatay munaasibadii lagu dhagax dhigayay jidkan ayaa Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku wuxu hore ka bilaabay shaqadiisii isagoo kormeer ku tagay cusbitaalka guud ee magaalada Balligubadle.

Wasiirka ayaa ugu horayn kulan balaadhan la qaatay maamaulka caafimaadka iyo cusbitaalka, isgoo warbixino kala duwan ka dhagaysay, Agaasimaha cusbitaalka Balligubadle iyo Isuduwaha Caafimaadka Gobolka, si uu u helo warbixin dhamaystiran oo ku aadan xaaladda cusbitaalka iyo tan guud ee Caafimaadka Gobolka Hawd, baahiyaha jira iyo caqabadaha haysta ee u baahan in si degdeg ah loo xaliyo.

Intaa kadib, Wasiirka ayaa kormeer kusoo maray qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay cubitaalka guud ee magaalada Balligubadle, isagoo indhihiisa kusoo arkay shaqadda baaxada leh ee ka socota cusbitaalka iyo adeegyada kala duwan ee uu bixinayo, sidoo wasiirka ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay qaar ka mid ah bulshadii halkaa loogu adeegayay isagoo ka waraystay, qaabka loogu adeego iyo adeegyada ay ka helaan cusbitaalka.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa dhanka kale Agab caafimaad kala wareegay, Wasiirka Wasaaradda Shaqadda Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Marwo Milgo Maxamed Sanbaloolshe, isagoo si rasmi ah ugu wareejiyay, Agaasimaha cusbitaalka Balligubadle.

Ugu dambayn, Wasiirka ayaa soo kormeeray, cusbitaalka Qaaxadda magaalada Balligubadle, isagoo halkaa kulamo kala duwan kula qaatay maamulka cusbitaalka iyo shaqaalaha ka hawlgala, kana dhagaystay warbixino kala duwan oo ku saabsan hanaanka uu u shaqeeyo cusbitaalku iyo wixii caqabado haysta, intaa kadibna ku wareejiyay, mishiin nooca shaybaadhka ah oo loogu talo galay cusbitaalka Qaaxada ee Balligubadle, kulana dardaarnmay inay halkaa kasii wadaan dadaalka balaadhan ee ay ugu jiraan sidii ay bulshadooda ugu shaqayn lahaayeen, isagoo hoosta ka xariiqay, inay u ogyihiin dadaalkaas Qarankooda iyo Wasaaradooduba.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here