Trump oo Diyaarad guudkeed ku Saxeexay Go’aan cusub oo Saamayntiisa leh

0
122

Gulf of America (HargeisaPress)– Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa 9-ka Febraayo 2025, isagoo saaran Air Force One saxeexay Go’aan lagu aqoonsaday maalinta rasmiga ah ee “Gacanka Ameerika” (Gulf of America Day), kaasoo beddeleya magacii hore ee Gacanka Mexico.

Intii lagu jiray duulimaadka, Trump wuxuu sheegay in tallaabadan ay tahay mid aad u weyn, oo xitaa ka weyn Ciyaarta Super Bowl. Duuliyaha Diyaaradda Air Force One, ayaa ku dhawaaqay in diyaaraddu ay markii ugu horreysay dul-mareyso Biyaha caalamiga ah ee hadda loo yaqaan Gacanka Ameerika.

Magac beddelka gacankan, ayaa la filayaa inuu dhaliyo muran siyaasadeed iyo mid caalami ah, waxaana la dhawri doona saamaynta iyo falcelinta ka dhasha go’aanka Madaxweyne Trump Diyaaradda guudkeeda uu ku saxeexay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here