Wasiirka Biyaha oo Lagu Soo Dhaweeyay Demadda Gebo-gebo Ee Gobolka Togdheer

0
843

Burco (Hargeisa Press) – Wasiirka wasaaradda horumarinta Khayraadka Biyaha Somaliland Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan) iyo wefdigii balaadhnaa ee uu hoggaaminayay oo safar shaqo ku marayay deegaanada waqooyiga gobolka Togdheer, ayaa gaadhay deegaanka Ceel-Dheere ee Degmada Gebo-gebo.

Waxaana Wasiirka horumarinta Biyaha Somaliland iyo wefdigiisa markii ay halkaasi gaadheen si weyn u soo dhaweeyay Waxgaradka, Odayaasha iyo dadweynaha ku dhaqan deegaankaasi.

Ujeedka wefdiga Wasiirka Biyaha ee ay deegaankaasi u tegeen, ayaa la xidhiidha dardar-gelinta iyo wacyi-galinta Diiwaangelinta Doorashooyinka dalka.

Wasiirka horumarinta Biyaha Somaliland Cali Maxamed Xasan, ayaa bulshada degmadaasi ka codsatay inay si weyn isu diwaan-geliyaan, qaatana kaadhka cod-bixinta doorashada.

Sidoo kale, wasiirka, ayaa u kuur galay xaaladda nololeed ee ka jirta deegaanadda hoos yimaada degmada Geba-gebo gaar ahaana deegaanka Ceel-dheer.

Dadka deegaanka, ayaa waxaa ay Wasiirka horumarinta Biyaha ka codsadeen inuu wax ka qabto xaaladda biyo la’aaneed ee ka jirta deegaanka Cee-dheer.

Wasiirka oo dhankiisa ka jawaabay codsiga bulshada, ayaa waxaa uu sheegay in sahankii biyo raadinta Ceel-dheer laga sameeyey meelaha lagu tuhmayo in biyo laga helayo.

Dhinaca kalena wasiirka, ayaa sheegay inay ku dadaali doonaan sidii degmadaasi u heli lahayd gaadiidka gurmada deg dega ah ee loo yaqaan (Ambalace).

Si kastaba, Wasiirka wasaaradda horumarinta Biyaha Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa mudooyinkii u danbeeyey safaro shaqo ku marayayey deegaano ka mida gobolada dalka, gaar ahaana goboladda Togdheer iyo Sanaag, iyadoo uu socdaalkiisu la xidhiidho sidii uu ugu kuur geli lahaa baahiyaha dhanka Biyaha ee ka jira gobolada iyo degmooyinka Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here