Wasiirka Beeraha oo xadhigga ka jaray xafiiska wasaaradda ee degmada Sabo-wanaag

0
641

Sabo-wanaag (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda horumarinta Beerha Somaliland Axmed Maxamed Habane iyo Wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta safar shaqo ku tagay degmada Sabo-wanaag ee gobolka Maroodi-jeex.

Wasiirka oo ay socdaalkiisa ku wehelinayeen Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan, Masuuliyiin ka mid ah Xukuumadda iyo xubno kale, ayaa xadhigga ka jaray Xafiiska Wasaaradda Beeraha ee degmada Sabo-wanaag, kaasi oo dhawaan wasaaraddu hirgelisay.

Ka hor xadhig ka jarista, Wasiirka oo soo kormeeray dhul-beereedka Degmada Samo-wanaag, ayaa waxa halkaa ku soo dhaweeyay Maamulka degmada iyo dadweynaha halkaas ku nool, kuwaasi oo lulayey calanka Somaliland iyo caleemo-qoyan.

Maamulka, Waxgaradka iyo Madax-dhaqameedka degmada Samo-wanaag, ayaa Wasiir Habane uga mahad-celiyey xafiiska Wasaaradda Beeraha ee uu halkaa ka hirgeliyey, waxayna Maanta guddoonsiiyeen shahaado-sharaf.

Xafiiska uu Wasiirku xadhigga ka jaray, ayaa noqonaya kii labaad ee uu furo toddobaadkan gudihiisa, taasi oo qayb ka ah dedaalka dhanka wax soo-saarka ee Wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here