Wasiirka Beeraha Oo Kulan La Xidhiidha Dardar-gelinta Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha La Qaatay Dhalinyarada Gobolka Moroodi-jeex

0
916

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiirka Beeraha Somaliland Dr. Maxamed Aw-daahir Ibraahim ayaa kulan balaadhan oo casho sharaf ah u fidiyay qaar ka mid ah dhalinyarada Gobalka Maroodi-jeex habeenimaddii sabtidii.

 

Nuxurka kulankaas oo daarnaa dardar-galinta qaadashada kaadhka diiwaan-galinta codbixiyayaasha doorshada 2017 kulankaas oo uu ku wehelinayay guddoomiyaha Degmadda Allaybaday.

20160506_205256

Wasiirka oo halkaa khudbad qiimo badan ka jeediyay wuxuu ku nuux-nuuxsaday miisaanka ay leedahay qaadashada kaadhka diiwaan-galinta codbixiyayaasha, isagoo sheegay qofka maanta qaata inuu xaq buuxa u leeyahay doorashada madaxtooyada iyo baarlamaanka cida ku haboon, isla markaana ay u fiican tahay mustaqbalka dadka iyo dalkaba.

 

Wasiirku waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay cid kasta oo war –xumo tashiil dadka kula dhex jirta sheegaysana in qaadashada kaadhku ay xaaraan tahay, cidaasina aanay raali ka ahayn horumarka nidaamka dimuqraiyadeed ee ka hana qaaday dalka.

20160506_205245

Sidoo kale wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyay miisaanka siyaasaddeed ee umaddi yeelan karto inay ku xidhan tahay hadba sida laysku diiwaan galiyo loona doorto cida ku haboon hogaamintooda.

20160506_211858

Dr. Maxamed Aw-daahir waxa kale oo uu guud ahaan  dhalinyarada Somaliland kula dardaarmay in fadhiga laga kaco maadaama uu maanta gobollada iyo dagmooyinka uu tartan ka dhex jirro hadhowna lagu sar-goyn doono baahiyaha bulshada , isagoo hogo-tusaaleyayna dhalinyarada inay go`aamin karaan masiirka mansabka dalka ugu sareeya iyo wakiiladoodaba, taasina waxay suurogali kartaa waa haddii lays diiwaan galiyo sidaa awgeedna ay dhalinyaradu ka qayb qaadato wacyigalinta iyo is-diwaangalinta qaadashada kaadhka codbixiyayaasha doorashada.

20160506_205123

Dhinaca kale waxa madasha hadal u badnaa waano iyo wacyigalinba ka jeediyay guddoomiyaha Degmada Allaybadday DR Cabdi Daauud Irriir lana wadaagay dhalinyaraddii iyo martisharaftii madasha ku sugnayd waayo aragnimada ay ka heleen diiwaan galintii codbixiyayaasha Gobolka Gabiley.

 

Wasiirka iyo gudoomiyuhuba waxay si mugle uga jawaabeen su’aalo dhawr ah oo madasha lagu waydiiyay.Wasiirka, Gudoomiyaha iyo dhalinyaradiiba waxay si isku mid ah isugu raaceen in gacmaha la is-qabsado sidii wakhtiga looga faa’iideysan lahaa.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here