Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Kulan Deg Deg Ah La Yeeshay Wasiirka Gaashaan Dhiga Iyo Saraakiisha Ciidamada Kala Duwan Ee Somaliland.

0
393

Hargeysa,(HargeisaPress)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed uu wehelinayo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Mudane Rooble Muuse Cabdi ayaa shir gudoomiyey kulan muhiim ah oo ku saabsan adkaynta amniga gudaha iyo guud ahaan amniga guud ee Dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankan waxaa ka soo qaybgalay Taliyayaasha kala duwan ee ciidamada qalabka sida qaybohooda kala duwan, iyadoo mudadii uu socdey shirku lagu Lafa-guray nuhiimadda ay Qaranka iyo shacab ahaanba u leedahay adkaynta amniga iyo in la sameeyo feejignaan dheeraad ah.

Dhinaca kale waxaa shacabka Jamhuuriyadda Somaliland lala socodsiinayaa in ay gacan ku siiyaan laamaha amniga adkaynta iyo xoojinta amniga,iyagoo gacan buuxda siinaya Hay’adda qaabilsan amniga kalana shaqaynaya nabadgelyada, iyadoo shacabka Jamhuuriyadda Somaliland looga bartay ka shaqaynta nabada iyo gacan siinta Ciidamadooda nabadgelyada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here