Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland oo Beeniyey War ay Warbaahinta AlJazeera ka Baahisay

0
1038

Hargeysa (HargeisaPress)– Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa beeniyay warar malo-awaal ah oo uu baahiyay Telefishanka Aljazeera.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland wuxuu sidaas ku sheegay farriin uu ku baahiyay baraha bulshada oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay wakaaladda wararka ee SOLNA, Waxaannu warka Aljazeera ku tilmaamay mid aan sal iyo raad lahayn oo ka been sheegaya mowqifka cad ee Somaliland ka taagan tahay iskaashiga iyo cilaaqaadka caalamiga ah.

Wasiir Cabdiraxmaan Daahir Aadan wuxuu sheegay in Somaliland aanay cidna weli kala hadal arrimaha ummadda reer Falastiin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here