MUQDISHO , (HargeisaPress) — Wasiirka arrimaha dibadda dalka Qatar iyo Wefdi balaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa dduhurkii maanta soo gaadhay magaalada Muqdisho ee xarunta Somalia, iyadoo waddooyinka caasimadda
Khaalid Bin Maxamed Al-Attiyah iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan dowladda Somalia iyadoo wararku ay sheegayaan in kulammo uu la qaadan doono madaxda dalka.
Inkastoo aan la sheegin mudada uu Muqdisho ku sugnaanayo ayaa haddana waxaa haddana Saraakiisha Dowladda Somalia ay sheegeen in Wafdigaan ay kulammo la qaadanayaan inta ay joogaan Muqdisho.
Dowladda Qatar ayaa waxay caawisaa Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena kaalmeysa qaar ka mid ah agoonta ku nool Muqdisho, waxaana howshan u haya haya’d lagu magacaabo Qatar Charity oo ah hay’ado samafal oo Qatar laga leeyahay.
La Soco Wararka ka soo Kordha..
HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com