Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Oo Fariin Adag U Direy Madaxda Urur Gobaleedka IGAD Oo Dhawaan Shir Uga Furmaayo Muqdisho Kana Hadlay Safaro Uu Ku Tagay Dalka Dibaddiisa

0
769
The Foreign Minister Dr. Saad Ali Shire

Hargeysa, (HargeisaPress) —Wasiirka wasaarada arimaha dibada Somaliland Dr.Sacad Cali Shire  oo dalka dib ugu soo laabtay isla markaana maanta warbaahinta kula hadley xafiiskii ayaa waxaa uu ka hadlay ujeedada  safaro shaqo oo  ugu baxay saddex waddan oo kala ah Dalalka Itoobiya,Masar Iyo Imaaraadka caarabta.

 

Waaxana uu wasiirku sheegay inuu lasoo kulmay masuuliyiin badan oo kamida madaxda dalalkaasi isla markaana uu kala hadlay arimo badan oo khuseeya dalka Somaliland.

 

Wasiirkaa arimaha dibadda somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa waxa uu sidoo kale baaq u direy madaxda urur goboleedka IGAD oo la filayo in dhawaan shir uga furmo magaalada muqdisho ee dalka Somaliya,waxaana uu  ugu baaqay madaxda ururka IGAD in ay  dadka iyo dalka Somaliland uga fadhiyaan  in xaqooda la siiyo isla markaana waxaa uu u cadeeyey in ay Somaliland tahay qaran madax banan oo ka mid ah wadamada ku yaala geeska Africa , madaxda urur goboleedkuna ay  ajandahooga   ku darsadaan qaddiyada Somaliand .

 

“Waxaan halkan jecelahay in aan fariin uga  diro urur gobaleedka IGAD waxaanan halkan ka cadeynayaaa in Somaliland  tahay waddan ka mid ah wadamada Geeska Africa  dadkiisa iyo dalkiisuna xaquuq ku leeyahay Ururka IGAD  loona baahan yahay in xaqiisa la siiyo wax kasta oo waddan xaq u leeyahay na la siiyo isla markaana qadiyada Somaliland  ay ka mid noqoto qadiyadaha ajandaha ugu jira  isla markaana hor yaala Waddamada IGAD markaas waxaa mihiim ah  in urur gobaleedku xaqeeda siiyo Somaliland ” ayuu yidhi wasiir sacad Cali Shire .

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

 

Follow us on Instagram: @Hargeisapress

Follow us on Twitter: @HargeisaP

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here