Wasiirka Amniga Somaliland oo kulan la yeeshay Safiirada Itoobiya iyo Ingiriiska

0
1178

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda amniga Gudaha Somaliland Cabdalle Maxamed Carab, ayaa waxaa uu maanta kulan la qaatay Safiirka Dowladda Itoobiya u fadhiya Somaliland, Ambassador Teshome Shunde Hamito.

Kulankan dhexmaray Wasiirka amniga Somaliland iyo Safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda, ayaa ugu horayn Wasiirku ku soo dhoweeyey Safiirka isbarasho.

Safiirka dalka Itoobiya, ayaa Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Somaliland uga mahadnaqay soo dhowaynta uu u sameeyey Wasiirku, iyadoo ay ka wada hadleen Arrimaha Nabadgalyada ee labada dalka ka dhexeeya iyo guud ahaanba nabadgelyada Gobolka Geeska Afrika.

Waxa kale oo ay ka wadahadleen in la xoojiyo xidhiidhka iskaashiga nabadgelyada ee Dowladda Somaliland iyo Dowladda Federaalka Itoobiya, iyadoo la isla qaatay in nabad lagu dhameeyo arrintii ka dhacday Degaanka Dacawaley ee Degaanka Maamulka Soomalida Itoobiya.

Dhinaca kale, Wasiirka Amniga Gudaha Somaliland Cabdalle Maxamed Carab, ayaa kulan la qaatay Wakiilka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Somaliland Ambassador Ilyaas Maahir.

Kulankan, ayaa ujeedkiisu ahaa isbarasho iyo soo dhowayn, Safiirka ayaa uga mahadnaqay Wasiirka qaabilaada iyo soo dhowaynta uu u  sameeyey Wasiirku, dhinaca kale Wasiirka ayaa u mahadnaqay Safiirka booqashada uu ugu yimi.

Wasiirka iyo Safiirka, ayaa ka wadahadlay xidhiidhka labada dal, kuwaasoo ah mid soo jireen ah.

Waxaa ay sidoo kalena ka wadahadleen wada shaqaynta Wasaaradda Amniga Gudaha iyo Xafiiska Wakiilka Dowladda Ingiriiska iyo nabadgelyada guud ee Somaliland iyo ta Gobolkaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here