Nairobi, KENYA (HargeisaPress) —Wasiirkii hore Maaliyada Cabdicasiis samaale iyo Wasiirkii Hore ee Warshadaha Somaliland Abiib Diiriye Nuur (Abiib-timacad) oo maalmihii u danbeeyay ku sugnaa magaaladda Nairobi ee Xarunta Kenya ayaa la sheegayaa inay shalay kulan saacado qaadtay la yeeshen Safaaradda Kenya ee Maraykanka.
Kulankan ay Wasiiradii hore ee Maaliyada iyo Warshaduhu la yeesheen danjire Brain H. Phipps oo ah safiirka Maraykanka ee Kenya ayaan la sheegin, Weftigan ayaa ilo xogxogaal ah oo ku dhowaa kulamadaas, ayaa tibaaxay in kulamadaasi ahaayeen kuwo lagaga hadlayay arimo ku saabsan Somaliland Kulankaas oo ahaa mid ay albaabadu u xidhanyihiin ayaa sheegayaa in weftiga Wasiirada Somaliland ay Maraykanka ka kala sheekaysteen xaaladaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee dalka, waxaana la sheegay inay si gaar ah uga wada hadleen arrimaha doorashooyinka.
Waxa kale, oo ilahaasi tibaaxeen,in kulamadaasi lagu soo qaaday, in xukuumadda hadda talada haysaa ay ka leexatay jidkii loo doortay,Sidaas darteed loo baahanyahay in lagu xakameeyo oo lagu soo dabaalo dhabbadii dimuqraadiyadda iyo Cadaalada.
Laba todobad ka hore ayay danjire Brain H. Phipps Hargeysa kula kulmeen Wasiirkii hore Maaliyada Cabdicasiis samaale iyo Wasiirkii Hore ee Warshadaha Somaliland Abiib Diiriye Nuur (Abiib-timacad)
kulankaasi soo jiitay indhaha dadka siyaasadda xiiseeya oo su’aalo badan iska weydiiyay kulankaas ayaan ila hadda laga warhaynin ujeedadiisa iyo meesha u ku danbayn doono.
Ugu Danbayntii Waftigan ayaa waxa kale oo ay kulmay Safaaradaha dalalka reer galbeedka ku lahaayeen magaalada Nairobi.
HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com