Wasiir Yurub: “Waxaynu nahay Dad Dagaalo soo-galay oo Rafaad soo gaadhay”

0
617

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqo Gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska Somaliland Marwo Yurub Abiib Cabdi, ayaa maanta ka qayb gashay Xaflad ay Hay’adda SOS Children ku maamuustay Hooyooyin muddo 10 sannadood ka badan korinayay Carruur waayay daryeel waalidnimo.

Wasiir Yurub Abiib Cabdi oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeedisay munaasibada, ayaa ugu horayn u mahad-celisay Hay’adda SOS Children, iyadoona sheegtay in ay dhiiri gelin weyn tahay in la maamuuso Hooyooyinkan tacabka geliyay korinta caruurtan.

Sidoo kale, waxay intaasi ku dartay in ka Wasaarad ahaan ay la shaqeeyaan Hay’adda SOS, isla-markaana ay dowladda Somaliland bajad garayso oo ay miisaaniyadda ku dartay xarumaha noocan oo kale ah ee lagu daryeelo caruurta.

Wasiirka Yurub, ayaa waxaa kale oo ay si qoto dheer uga sheekaysay dhibaatooyinkii iyo marxaladihii kala duwanaa ee Somaliland iyo shacabkeedu soo mareen iyo sida ay uga soo kabteen.

Waxanay sheegtay Wasiirku in dadka reer Somaliland yihiin Dad Dagaalo kala duwan soo galay oo rafaad badani soo gaadhay.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqo Gelinta Yurub Abiib Cabdi, ayaa ugu dambayn fariin u dirtay Siyaasiyiinta kala duwan ee dalka iyo weliba shacabka reer Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here