Maayarka Hargeysa oo Balan-qaad U Sameeyay Carruurta Lagu Daryeelo Xarunta SOS

0
1168

Hargeysa (Hargeisa Press)- Maayarka caasimada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa waxaa uu ballanqaad weyn u sameeyay carruurta kala duwan ee ku jira xarunta Hay’adda SOS Children ee  Hay’addu daryeesho.

Maayarka, ayaa hadalkan ka sheegay khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo uu maanta ka jeediyay munaasibad ay Hay’adda SOS Children ku maamuusaysay Hooyooyin muddo 10 sannadood ka badan korinayay Carruur ku jirta xarunta hay’adda oo waayay daryeel waalidnimo.

Maayar Mooge, ayaa waxaa uu munaasibadaasi kaga shaaciyay in ka dowlad hoose Hargeysa ahaan ay si dhakhso ah u dadejin-doonaan samaynta Aqoonsiga dhalashada Caruurta ku jirta Xarunta hay’adda SOS, ayna ka hawl geli doonaan samaynta qorshan.

Sidoo kale, waxaa uu Maayarka magaalada Hargeysa balan-qaad u sameeyay Hooyooyinkan ka hawl gala xarunta Hay’adda SOS ee sida bani’aadannimada leh u daryeela Caruurta ku jirta xarunta hay’adda.

Waxana uu Maayarku sheegay in Hooyooyinkan ay ka dowlad hoose ahaan ay siin doonaan dhul ay xaq u leeyihiin oo degaan.

Ugu dambayntii, Maayar Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa Hooyooyinkan ku boggaadiyay sida ay u daryeelaan Caruurtan aan helin daryeelka waalidnimo, isagoona sheegay in qaranka Somaliland aanu ilaabi doonin isla-markaana abaalkooda gudi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here