Wasiir Shire: ”Xafiiska Dacwaddaha Waxa Loogu Talo-galay U Adeega Muwaadinka Cashuur-bixiyaha”

0
621

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka horumarinta Maaliyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in xafiiska garnaqa Dacwaddaha loogu talogalay inuu u adeego muwaadinka cashuur-bixiyaha ah.

Wasiir Sacad oo hadal ka jeediyey munaasibad lagu soo dhaweynayey guddida cusub ee Garnaqa Cashuuraha, isla markaana lagu sagootiyey guddidii hore ayuu ku ammaanay waxqabadkii guddidii hore mudadii ay xilka hayeen.

Wasiirka Maaliyadda, ayaa sheegay in shaqada xafiisku tahay in qofka cashuur-bixiyaha la siiyo fursad uu dacwadiisa ku geysan karo, hadii ay Wasaaradda Maaliyadda isku khilaafaan cashuurta ku waajibtay.

“Waa xafiis loogu talogalay in loogu adeego muwaadinka cashuur-bixiyaha ah.”

Waxuu ugu baaqay dhamaan cashuur-bixiyeyaasha inay ka faa’iideystaan adeegyada xafiiskan

Wasiirka, ayaa sheegay in cashuurta lagu soo qoro cashuur-bixiyaha marka hore-ba tahay mid mid sax ah, oo waxii ku waajibay tilmaamaysa, balse hadii qofku ku qanci waayo fursad ayuu haystaa inuu halkan dacwadiisa u soo gudbisto.

“Guddida waxaan kula dardaarmayaa inay qeyb ka qaataan wacyigelinta cashuur-bixiyaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here