Wasiir Sacad Cali Shire Oo Ka Jawaabay Eedihii Sheekh Aadan-Siiro Ee Ahaa In Madaxtooyadu Isku Koobtay Dhaqaalihii Dalka

0
785
Wasiirka Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire

HARGEISA—Wasiirka maaliyada Sacad Cali Shire ayaa ka jawaabay hadal uu Sheekh Aadan-siiro ku duray Madaxweynaha iyo xukuumadda oo nuxurkiisu ahaa inay isku koobeen dhaqaalihii dalka.

Wasiir Sacad oo u waramay weriye Badri Koosaar oo ka tirsan Telefishanka Sahan, ayaa ugu horayn isagoo ka jawaabay hadalka Sheekha wuxuu yidhi “Dabacan arinkaas sida uu sheekhu u sheegay maaha ee way ka duwantahay,sideedaba dawladu waxay ku shaqaysaa waa miisaaniyad miisaaniyadaasina waxay leedahay ilo  ay ka soo baxdo, waxaanay leedahay  madaxyo ay ka baxdo, wasaarada marka la qorshaynaayo wasaarad iyo haayad walba oo dawladeed qayb ayaa la  siiyaa, qaybtaas la siiyo laftigeeda hoos ayaa loogu sii daadagaa oo shay waliba waxa uu leeyahay qoondayn, markaas miisaaniyadeedna 47% waa mushahar anigu mushahar ma haysan karo madaxweynuuna ma haysan karo mushaharka waa in la siiyo cidii lahayd sida bajadka ku cad, haayad walba intii u qorshaysnayd ayaa la siiyaa sida ku cad miisaniyada.

Miisaniyada 28% waa hawl socodsiin shidaal,dayactir iyo safar kaasina sidiisa ayuu u baxaa anigu ma hayn karo ileen hadii kale hawshu ma soconaysee waxa soo hadhay 20% kuwaasina waa mashaariicda oo mashaariicdii ka soo wareegtay 2018-kii waanu sii wada daynay, mashaariicdii 2019-ka waxii aan baabuur ahayn waanu sii wada daynay  waxa lacag ah oo nagu baaqday oo aanu meel dhiganay ma jiraan, waxii noo soo xarooday ee cashuurta ahaana shilin waliba waxa uu maray halkii loogu talogalay sida ay miisaaniyadu odhanayso fikir  khalad ah ayaa laga haystaa wasaara maaliyada dad badan waxay u haystaan meel sanduuq weyn leh oo lacagtu ku soo xarooto dabadeedna qofka masuulka ka ah wasaarada maaliyada madaxweynuu sida uu doono inuu ugu tagrifali karo maaha sidaas, waxani waa wax baarlamaan ansixiyay waa wax la odhidgareeyo oo laysaga danbeeyo waxuu qofku ku tagrifali karo maaha wax nagu baaqdayna ma jiraan sanadkan.”

 

LEAVE A REPLY