Wasiir Mareexaan oo Golaha Wasiirrada u soo bandhigay qabyo-qoraalka xeerka warbaahinta

0
1074

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland, Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa shirkii 132aad ee golaha wasiirrada u soo bandhigay qabyo-qoraalka xeerka warbaahinta Somaliland, kaas oo beddelaya xeerkii hore ee Saxaafadda LR.27/2004.

Wasiirka Warfaafinta, ayaa wuxuu sharraxaad dheer golaha ka siiyey nuxurka iyo ahmiyadda uu leeyahay xaarkan cusub iyo waxyaabaha uu kaga duwan yahay xeerka uu beddelayo.

Xeerka warbaahinta oo ay soo curisay wasaaradda warfaafintu, ayaa waxaa si dhow uga wada shaqeeyeen ururrada Saxaafadda Somaliland.

Xeerkan oo ah 72 qoddob oo saxaafadda oo dhan lagu dhaqi doono, waa markii ugu horraysay ee xeer sidaa u ballaadhan warbaaninta Somaliland loo sameeyo.

Si kastaba, qabyo qoraalka xeerka warbaahinta Somaliland, ayaa dooddiisu ka sii socon doonta fadhiyada soo socda ee golaha Wasiirrada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here