Wasiir Ku Xigeenka Warfaafinta Somaliland oo Tabobar U Furay Xubno Ka Tirsan Wasaaradda Warfaafinta

0
989

Hargeisa (Hargeisa Press)- Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacy’gelinta Somaliland Cabdinaasir Cumar Jaamac, ayaa hawl-wadeeno ka tirsan wasaaradda warfaafinta waxa uu Jaamacadda Hargeysa uga furay kulan ku saabsan samaynta cilmi baadhis la xidhiidha dhagaysiga Idaacadda Radio Hargeysa iyo daawashada Tv-qaranka.

Cilmi-baadhistan ayay u jeedadeedu tahay sidii loo ogaan lahaa bulshada ku xidhan dhagaysiga Idaacadda Radio Hargeysa iyo daawashada Telefishanka Qaranka iyo saamaynta ay wararka iyo barnaamijyada ka baxa Telefishanka Qaranka iyo Radio Hargeysi ay ku leeyihiin bulshada Somaliland.

Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Dr. Maxamuud Yuusuf Muuse oo halkaas hadal ka jeediyay ayaa sheegay in cilmi-baadhistaasi ay waxtar u yeelan doonto kor u qaadida adeegyada ay bulshada u hayso wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacy’gelinta Somaliland, siiba waaxyaha Radio Hargeysa iyo Telefishanka Qaranku.

Warsame Maxamuud Axmed oo ah madaxa cilmi-badhista ee Jaamacadda Hargeysa ayaa sheegay in cilmi-baadhistaasi ay mari doonto heerar kala duwan, iyadoo Jaamacadduna arrintaas gacan ka gaysan doonta.

Agaasimaha waaxda qorashaynta ee wasaaradda warfaafinta Cabdiqaadir Dayib Askar iyo Madaxa cilmi-baadhsita iyo istaatikada ee waaxda qorshaynta Raxma Cabdilaahi Maygaag, ayaa sheegay in xog ururintani ay waxtar u yeelan doonto tayaynta barnaamiyada ka baxa Radio Hargeysa, Telefishanka Qaranka.

Ugu dambayn wasiir ku-wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacy’gelinta Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdinaasir Cumar Jaamac, oo halkaas ka hadlay ayaa hawl-wadeenada samayn-doona cilbaadhistaas kula dardaarmay inay ka faa’iidaystaan casharada ay baran doonaan, Isla markaana duruusta ay bartaan ay ku dabaqaan fulinta hawsha cilmi baadhista.

Sidoo kalena wasiirku wuxuu u mahadceliyay Masuuliyiinta Jaamacadda Hargeysa, isagoo ku bogaadiyey xidhiidhka eek a dhexeeya ka wasaarad ahaan.

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here