Wasiir Ku Xigeenka Ganacsiga Iyo Wafti kasocda Baanka Aduunka Oo La Kulmay Maayar Ku Xigeenka Caasimada Hargeysa + SAWIRRO

0
817

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed iyo saraakiil ka tirsan Wasaarada ganacsiga oo ay wehelinayeen Wafti ka socda Baanka Aduunka ayaa kulan balaadhan La yeeshay Maayar ku Xigeenka Caasimada Hargeysa Mudane Cabdicasiis Cagaweyne iyo madax ka tirsan Dawlada Hoose we Hargeysa.

G 2

Wasiir ku Xigeenka Ganacsiga Amb. Kaysar oo ka warramay kulankaas ayaa sheegay inuu ku saabsanaa sidii Bangiga Aduunka uga caawin lahaa Dawladaheena Hoose saddex arrimood oo kala ah 1. Ogolaanshaha ama nidaamka Rukhsad bixinta Dhismayaasha 2. Sida loo diiwaan geliyo Guryaha 3. Iyo soo bandhiga cilmi baadhis La sameeyay oo ku saabsan sidii uu imika u shaqeeyo nidaamka Rukhsad aha iyo Sida loo hagaajin karo.

g

Waxa kale oo uu Wasiir ku Xigeenka tilmaamay in Baanka Dunidu uu inaga caawin doono arrimahaas taasoo muwaadiniinta iyo Dawladaheena hoosaba u fududaynaysa wadashaqayn nidaam Casri ah ku dhisan oo dhalin karta inuu ganacsigu kobco.

Waxaana tababar la siin doonaa masuuliyiin kala duwan oo ka hawl gala Dawlada Hoose iyo Wasaarada Ganacsiga .

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here