Wasaaradda Warfaafinta oo Idaacad FM ah ka hirgelisay magaalada Saylac

0
606

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland, ayaa Idaacad FM ah oo laga dhegaysan karo gobolka Salel iyo deegaanno ku yaalla Jabuuti ka hirgalisay magaalo xeebeeda Saylac ee xarunta gobolka Selel.

Agaasimaha waaxda Idaacadaha ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Cabdirisaaq Cismaan Maxamed, ayaa sheegay in madaxda wasaaradda warfaafintu ay muddooyinkii u dambeeyay ku hawlanayd ballaadhinta baahinta Idaacada Radio Hargeysa.

Waxanu tilmaamay in muddadii koobnayd ee Wasiir Cali Mareexaan joogay, idaacado min 2000wt ah ay wasaaraddu dhigtay magaalooyinka Caynaba, Ceerigaabo, Burco, Berbera, Boorama iyo Saylac oo ah magaaladii u dambaysay ee idaacadahaas la gaadhsiiyay.

Agaasime Cabdirisaaq Cismaan, wuxuu tilmaamay in wasaaradda warfaafintu ay Idaacad FM ah oo 2000wt ah ka samaysay magaalada Saylac, taasi oo laga wada dhegsystay deegaannada gobolka Selel oo dhan iyo magaalada Jabuuti ee dalka aynu deriska nahay ee Jabuuti.

Agaasimaha Idaacaduhu wuxuu intaas ku daray in dadweynaha reer Selel ay ku diirsadeen inay si wanaagsan u dhegaysteen idaacada Radio Hargeysa.

Waxa kaloo uu caddeeyay in tallaabadani qayb ka tahay hoggaaminta Wasiir Cali Mareexaan uu ku doonayo in dadweynaha gobollada dalka oo dhan si fiican loo gaadhsiiyo maqalka idaacada Radio Hargeysa.

Agaasime Cabdirisaaq Cismaan wuxuu sheegay in masuuliyiinta wasaaradda ay ka go’an tahay ballaadhinta baahinta Idaacada Radio Hargeysa iyo idaacada qur’aanka kariimka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here