Wasaaradda Shaqo-Gelinta oo Furtay Shirka Curinta Xeerka Joojinta Gudniinka Hablaha

0
820

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasaaradda shaqo gelinta arrimaha bulshada iyo qoyska Somaliland, ayaa waxaa ay maanta magaalada Hargeysa ka furtay Shir heerkiisu sareeyo oo ku saabsan Gudniinka Hablaha.

Shirkan, ayaa waxaa si rasmi ah u furay Wasiirka wasaaradda Shaqo Gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska Somaliland Eng, Cali Cumar Maxamed (Xoor-xoor) oo ay wehelinayaan Wasiir ku xigeenka wasaaradda Yurub Abiib iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Axmed Xasan Aw Adan.

Sidoo kale, waxaa kulankan goob joog ka ahaa xubno ka socda golayaasha sharci dejinta dalka, qaybna ka ahaa hanaanka tala-wadaaga ee la xidhiidha joojinta gudniinka hablaha.

Waxaana shirkan lagaga hadlayay curinta xeerka joojinta Gudniinka Hablaha, iyadoona shirka lagu dul istaagay dhibaatada caafmaad, nololeed, mustaqbal iyo biniaadannimo ee uu leeyahay gudniinka habluhu.

Shirkan, ayaa waxaa iska kaashanaya Wasaaradda Shaqo Gelinta iyo Hay’adda maxaliga ah ee NAFIS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here