Wasaaradda Qorshaynta oo daahfurtay shirka saddexaad ee wadaageyaasha horumarinta qaranka

0
573

Hargeysa (HargeisaPress)- Wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta Qaranka Somaliland, ayaa Hargeysa ka daah furtay shirka sadexaad ee Wadaagayaasha horumarinta Qaranka, kaasi oo sadexdii biloodba mar la qabto.

Wasiirka wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta Qaranka oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golaha Wasiirada Somaliland, ayaa daah furay Shirka madasha wadaagayaasha Qorshaha horumarinta Qaranka ee Sadexaad.

Shirkan madasha wadaagayaasha oo sadexdii biloodba mar la qabto ayaa waxa kasoo qayb galay wasiirada Wasaaradaha Qorshaynta, Arrimaha gudaha, Maaliyadda, shaqada iyo Arrimaha bulshada, beeraha, Agaasimayaasha guud, Xubno ka socda Hay’adaha Caalamiga ah, kuwa Maxaliga ah iyo dhamaanba wadaagayaasha kala shaqeeya Somaliland dhinaca horumarinta.
Bar bilaw waxa faah faahin ka bixiyay Agaasimaha guud ee wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta Qaranka Somaliland Maxamed C/laahi Ducaale oo iftiimiyay waxyaabaha lagu lafo guri doono inta shirku socdo.

Xubno ka socda hayada Caalamiga ah ayaa Iyana si diiran u soo dhaweeyay shirkan iyo ajandayaasha uu xambaarsan yahay iyo sida diirada loogu saarayo qorshayaasha lagu horumarinay Qaranka.

Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Ahmed, Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Cali Cumar Maxamed wasiirka Maaliyada Sacad Cali shire oo halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay waxyaabaha laf dhabarta u ah Qorshaha horumarinta Qaranka ee Sadexaad iyo iskaashiga wadaagayaasha Somaliland iyagoo macluumaad dheeraada ka bixiyay tiirarka aas aaska u ah laf Qorshaha horumarinta Qaranka .

Wasiirka wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta Qaranka Ahmed Maxamed Diiriye Toorno oo shirkaasi si rasmiya u daahfuray ayaa ku dheeraday heerarka ay maraan shirarka wadaagayaasha waxaanu wasiirku fariin u diray qaadhaan bixiyayaasha in dhaqalaha bini aadanimo ee ay bixinayaan aanay saamaynin hirdanka iyo Arimaha siyaasada ee gobolka geeska Africa ka jira, islamarkaana Somaliland wixii ay siinayaan ay si toos ah usoo gaadhsiiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here