Wasaaradda Isgaadhsiinta Oo Soo Bandhigtay Nidaamka Isku Xidhka Xogaha Haayadaha Dawladda

0
431

Hargaysa (HP): Wasaaradda isgaadhsiinta iyo tignoolajiyadda Somaliland ayaa maanta soo bandhigtay isku xidhka nidaamyada dawladda iyo wadaaga xogaha ee haayadaha kala duwan ee dawladda.


Mashruuca S-Road, oo ah Nidaam electronic ah ayaa fududaynaya isku xidhka nidaamyada dawladda iyo wadaaga xogaha (data Exchange) ayaa maanta ay wasaaraddu ku daah-furtay xarunta guud ee wasaaradda ee magaaladda Hargaysa.
Nidaamkan ayaa hirgalintiisa waxaa iska kaashan doona wasaaradda Isgaadhsiinta Somaliland iyo Safaaradda dawladda Taiwan ay ku leedahay Somaliland.
Hirgelinta Nidaamkan oo isku xidhi doona dhammaan ba wasaarradaha iyo haayadaha dawladda ee xogaha bulshada gacanta ku haya, ayaa wax badan ka badali doona qaabka bulshadu u hesho adeegyada kala duwan ee dawladda.


Waxaana mashruucaasi wada jr u daah-furay wasiirka wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland C/rashiid Sheekh Cali Suufi, iyo saraakiil ka socday safaarada Taiwan ee Hargaysa.
Wasiir C/rashiid Sheekh Cali Suufi, oo hadal ka jeediyay furitaanka mashruucaasi ayaa faahfaahin ka bixiyay faa’iidadda mashruucaasi iyo cida la doonayo in ay ka faa’iidaysato.


DAAWO WASIIRKA OO ARRIMAHAASI KA WARBIXINAYA:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here