Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda Dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bini’aadantinimada Somaliland, Saleeban Ducaale Xaaji Jaamac, ayaa maanta waxaa uu xarunta wasaaradda kullan kula qaatey masuuliyiinta Hay’ada Laanqayrta Cas (ICRC).
Wasiirka Dib-u-dejinta iyo Arrimaha Bini’aadantinimada, waxaa kullanka ku wehelinayay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaraddaasi, Cabdiraxmaan Shide Bille iyo Agaasimaha Guud, Mukhtaar Cabdi Jaamac.
kullanka oo ahaa is-barasho Masuuliyiinta Wasaaradda iyo Hay’adda ah, ayaa waxay dhinacyadu si qotodheer isula faaqideen xoojinta wada-shaqeynta labadda dhinac.
Waxa kale kullankaasi layskula soo qaadey sidii ay Wasaaradda iyo Hay’adda Laanqayrta Cas ee Caalamiga ah si gaar ah uga wada-shaqeyn lahaayeen Xaaladaha Bini’aadantinimada ee goboladda Bariga Somaliland.
Dhinaca Hay’ada Laanqayrta Cas, waxaa kullankaas uga qeyb-galay xubnaha kala ah;
1. Manish Das Head of subdelegation.
2. Jimale Head of office.
3. Munira Mohamed Muse Protection Officer.