Wasaaradda Deegaanka Oo Dhir Ku Wareejisay Badhasaabka Saraar

0
406

Caynaba (Hargeisa Press): Wasaaradda deegaanka Somaliland ayaa maanta dhir fara badan gaadhsiisay degmadda Caynaba ee xarunta gobolka Saraar.

Dhirtaasi oo tiradeedu dhan tahay lix kun oo geed ayaa loogu tallo galay in kor loogu qaado bilicda degmooyinka iyo tuulllooyinka hoos yimaadda gobolka Saraar.

Waxaana dhirtaasi lagu wareejiyay maayarka degmadda Caynaba, oo ay wehelinayeen guddoomiyeyaasha iyo masuuliyiinta lix degmooyin iyo tuullooyin oo gobolkaasi ka tirsan.

Sidoo kale waxaa munaasibadaasi joogay isku-duwaha wasaaradda deegaanka ee gobolka Saraar oo dhirtaasi ku wareejiyay maayarka Caynaba.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here