Wasaaradda Ciyaaraha oo maamuustay orodyahano ka socda waddamada caalamka

0
1133

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasaaradda dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland, ayaa waxaa uu maanta hadhimo sharafeed ku maamuustay qaar ka mid ah orodyahano ka yimid wadamo kala duwan oo adduunka ah.

Orodyahanadan la maamuusay, ayaa waxaa ay ka kala socdeen waddamada Itoobiya, Jabuuti, Cameron, Angola iyo Bahrain.

Orodyahanadan, ayaa maalinta berrito ah ka qayb-gelidoona tartanka orodka ee Hargeisa International Marathon, kaasi oo lagu qabanayo magaalada Hargeysa.

Munaasibadan hadhimo sharafeedka ah oo ka qabsoontay magaalada Hargeysa, ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirrada wasaaradaha Ciyaaraha, Gaashaandhigga, Kalluumaysiga, wasiir ku xigeenada wasaaraddaha arrimaha dibedda, Shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshada, Agaasimaha wasaaradda Ciyaaraha, Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex iyo masuuliyiin kala duwan oo ka socda dowladda iyo wasaaradda ciyaaraha.

Ugu horayn, waxaa munaasibadan hadal ka jeediyay Agaasimaha guud ee wasaaradda dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Somaliland Cabdirashiid Caydiid Yaasiin, isagoona ka warbixiyay muhiimada weyn ee uu tartankani leeyahay iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray.

Waxaa sidoo kale munaasibada hadalo ka jeediyay masuuliyiintii kala duwanaa ee isugu jiray wasiirrada iyo xubnihii kale, waxaanay si qoto dheer uga warameen tartankan iyo ahmiyadda uu dalka u leeyahay.

Tartanka orodka ee Hargeisa International Marathon oo ah tartan caalami ah, ayaa waxaa uu noqonayaa tartankii labaad ee sannadkan lagu qabto Somaliland, iyadoona ay ka soo qayb galeen orodyahano ka kala socda waddamada Adduunka.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here