Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Oo Qalab iyo Daawooyinka Kala Wareegtay WHO

0
294

Hargaysa (HP): Wasaaradda caafimaadka ee Somaliland ayaa maanta qalab caafimaad iyo daawooyin kala wareegtay haayadda jamciyadda quruumaha ka dhaxaysa u qaabilsan arrimaha caafimaadka ee WHO.

Waxaana agabkaasi iyo daawooyinkaasi haayadda WHO kala wareegay agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, halka ay sidoo kalena goob joog ka ahayd Drs. Faadumo, oo ka socotay haayadda WHO.

Daawooyinkaasi ayaa loogu tallo galay in lagula tacaalo xaaladaha deg deg ah ee caafimaadka, taasoo qorshuhu yahay in lagu daaweeyo dad gaadhaya 23 kun oo qof oo bukaanno ah.

Sida ay sheegtay Drs. Faadumo, oo ka socotay haayadda caafimaadka adduunka ee WHO oo daawooyinkaasi iyo qalabkaasi ku wareejisay agaasimaha wasaaradda caafimaadka Somaliland.

Daawooyinkaasi ayaa sidoo kale wax ka tari doona xanuunadda ay ka mid ka yihiin Shubanka, iyadoona daawooyinkaasi la gaadhsiin doono dhamaanba xarumaha caafimaadka ee dalkoo dhan.

Sida uu sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, oo hadal ka jeedinayay munaasibadii ay daawadaasi iyo qalabkaasi kagala wareegayeen WHO.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here