Wasaaradda Beeraha oo gobollada dalka u kala dirtay kooxaha la-dagaalanka Ayaxa

0
846

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland, ayaa waxaa ay maanta gobollada dalka u kala dirtay kooxaha la-dagaalanka iyo ka hortagga Ayaxa.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha Somaliland Cabdikariin Aadan-cadde oo ay barbar taagan yihiin Masuuliyiin ay ka mid tahay Agaasimaha waaxda badbaadada Beeraha Faysa Maxamed Raage, ayaa ku dhawaaqay inay kooxaha ka hor-tagga iyo la-dagaalanka Ayaxa u direen saddexda gobol ee kala ah Awdal, Saaxil iyo Togdheer, si ay sahamin uga sameeyaan deegaano laga cabsi qabo inuu xilligan ka dilaaco Ayax, si Wasaaradda Beeruhu uga tabaabulshaysato ka hor-taggiisa.

Agaasimaha guud, ayaa sheegay in gobollada kale ee dalkana dhawaan loo diri doono kooxaha Wasaaradda u qaabilsan badbaadada Beeraha.

Waxaanu dadweynaha ka codsaday inay Wasaaradda Beeraha la soo socodsiiyaan haddii ay arkaan Ayax, si wax looga qabto.

Wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland, ayaa heegan ugu jirta ka hor-tagga iyo la-dagaalanka Ayaxa iyo dhammaan xasharaadka dhibaateeya wax soo-saarka Beeraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here