Hargeysa,(HargeisaPress) — Aniga oo ah Maxamed Xasan Ismaaciil Maxamed Al Somal (Xamaada), ahna mulkiilaha Shirkada Prime Somaliland & Sultan Ltd isla markaana ku leh shirkadan Saami dhan 50%
Waxa mulkiyad been abuur ah soo samaystay niman Carab iyo Soomaali ah oo sheeganayey in ay sitaan wakaalad, taas oo si qaldan looga ansixiyey Maxkamada Racfaanka, balse ay Qareenadaydu uga ambiil qaateen Maxkamada Sare.
Sidaa darteed, Maxkamada Sare waxa ay baadhis ku samaysay labada dhinacba waraaqahoodii, intaa ka dib waxa ay maanta Maxkamada Sare soo saartay go’aanka ku lifaaqan halkan, kaas oo ay ku beenisay kuna burisay wakaaladoodii, islamarkaana Maxkamada Sare ee Somaliland ku tilmaantay wax aan dhaqan sharci lahayn, laguna kalsoonaan karin
Waxa aan halkan uga mahad celinayaa Dowlada Somaliland ee uu Madaxweynaha ka yahay Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siiraanyo iyo Maxkamada sharafta leh ee Jamhuuriyada Somaliland iyo cid kasta oo ka xumaatay sifada sharci darada ah ee aniga iyo shitkadayba lagu la kacay.
Ugudambayn waxaanu rajaynaynaa in hay adaha sharci fulintu ay ku camal fali doonaa. Qaraarkaa Maxkamada sare.
Allaa Mahad Leh
Mulkiilaha Prime Somaliland & Sultan Ltd
Maxamed Xasan Ismaaciil AlSomali (Xamaada)