Wariyeyaal Shaqada Looga Eryay Sawir Ay Ku Weerareen Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed iyo Xaaskiisa

0
2282

Addis Ababa (Hargeisa Press)- Laba wariye oo ku sugan dalka Itoobiya ayay shaqada ka eriday Wakaaladda Wararka ee ay leedahay dowladda, kaddib markii ay daabaceen sawir muujinaya Ra’iisal Wasaaraha iyo xaaskiisa oo qol hurdo iskula jira.

Sawirka oo ah mid la jarjaray, oo wajiyada Abiy Axmed iyo xaaskiisa la dul saaray dad kale, ayaa muujinaya Ra’iisal Wasaaraha oo dhulka jiifa isagoo buste huwan, halka xaaskiisa, Zinash Tayachew, ay saarantahay sariir agtiisa ah, iyadoo waliba dhoollacaddeyneysa.

Sawirkan ayaa si weyn ugu faafay baraha bulshada ee dalka Itoobiya, tan iyo markii la daabacay maalintii Isniinta.

Qoraal ku saabsan jadwalka doorashada oo ay wakaaladda diyaarisay ayaa lala daabacay sawirka.

Wakaaladda ayaa sawirka ka bixisay boggeeda, waxayna islamarkiiba ka bixisay raalligalin.

Doorashada guud ee dalka Itoobiya ayaa la filayaa inay dhacdo bisha August ee sanadkan.

Tan iyo markii uu xilka qabtay sanadkii 2018-kii, Mr Abiy ayaa hormuud u noqday isbaddal siyaasadeed oo ka curtay Itoobiya, kaasoo saameyn aad u weyn yeeshay.

Tallaabooyinkii uu qaaday waxaa ka mid ahaa inuu sii daayay maxaabiistii arrimaha siyaasadda u xidhneyd iyo inuu xor ka dhigay warbaahinta.

Hase ahaatee shakhsiyaad ayaa lagu eedeeyay inay xorriyadda noocaas ah u adeegsadeen inay ku kiciyaan xiisado qabiil iyo fidinta warar been abuur ah oo lagu bartilmaameedsanayo dowladda Mr Abiy.

Arrintan waxay horseedday in dowladda ay la timaado sharciyo cusub oo lagula tacaalayo wararka marin habaabinta ah iyo kicinta dadweynaha.

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here