Sheekh (Hargeisa Press)- Ale ha u naxariistee waxaa galabta magaalada Sheekh lagu aasay Wariyihii caanka ahaa ee Cabdirisaaq Xaaji Maxamed Siraad oo ka mid ahaa Wariyihii ugu wakhtiga dheeraa ee ka soo shaqeeyay BBC-da laanteeda afka Soomaaliga.
Marxuum Wariye Cabdirisaaq Xaaji Maxamed Siraad, ayaa galabta lagu aasay xabaalaha Dariiqada ee ku yaalla magaalada Sheekh halkaas oo ah meeshii uu ku dhashay.
Waxaana aaska marxuum Wariye Cabdirisaaq Xaaji Maxamed Siraad, ayaa waxaa ka qaybgalay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland, Wariyeyaashii ay isla soo shaqeeyeen, bahda saxaafada, siyaasiyiin, aqoonyahan iyo masuuliyiin kale.
Cabdirisaaq Xaaji Maxamed Siraad, ayaa Wuxuu BBC Somali la shaqeynayay muddo qiyaastii dhan 50 sano.
Wariye Cabdirisaaq waxa uu ku dhashay magaalada Sheekh oo ka tirsan gobolka Saaxil ee Somaliland sanadkii 1947. Heerarkiisa kala duwan ee waxbarashada ayuu ku qaatay magaalada Hargeysa.
Bishii September sanadkii 1969 ayuu heerka sare ee waxbarashada jaamacadda u tagay dalka Ingiriiska, waxa uuna bartay culuumta kimistariga.
Markii uu waxbarashada u tagay London oo uu muddo kooban joogay uu ku biiray BBC-da Laanteeda afka Soomaaliga ah, sidaasna uu muddo dheer uga shaqaynayay.
Cabdirisaaq waxa uu ahaa nin furfuran oo kaftan badan, dadka la soo shaqeeyay ayaana ku ammaanay howlkarnimo, hadalyari, shaqo yaqaan iyo waayo aragnimo.
Marxuumka, ayaa ka soo jeeday qoys caan ku ah fidinta diinta waxa ayna goobo diinta lagu faafiyo ku lahaayeen magaalada uu ku dhashay ee Sheekh.
Sidoo kale qoyskiisu waxa ay door ku leeyihiin oo lagu yaqaan siyaasadda iyo dhaqanka waana kuwo caan ka ah deegaannada Somaliland.
Cabdirisaaq Xaaji Maxamed Siraad, ayaa ifka kaga tagay saddex carruur ah oo laba ay hablo yihiin midna uu wiil yahay, xaaskiisii oo lagu magacaabayay Luul Maxamed Saalax ayaa iyana sanadkii 2006 ku geeriyootay magaalada London.