Wargeys warbixin ka qoray sida ay Somaliland u buuxisay shuruudihii aqoonsiga

0
2191

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wargeyska Eurasiareview, ayaa waxa uu ka hadlay sida ay qaranimadda Somaliland u buuxisay shuruudihii halbeega u ahaa in dal lagu aqoonsado.

Warbixintan oo ay qortay haweenayda lagu magacaabo Shahzadi Irrum oo ah kaaliye cilmi baadhiseed, ayaa lagu sheegay in dhulal badan oo addunka ahi u tartamayaan sidii ay u heli lahaayeen madaxbannaani iyo aqoonsi caalami ah, sida Somaliland oo madax bannaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya 1991.

Waxay warbixintu intaasi ku dartay in Somaliland leedahay sheegasho xooggan oo aqoonsi caalami ah, iyadoo u muuqata mid buuxisay shuruud kasta oo dunnidu uga baahnayd si ay u noqoto dowlad la aqoonsan yahay.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in dhulka Somaliland uu markii ugu horaysay indhaha caalamka soo jiitay dabayaaqadii qarnigii 19-aad, markaas oo uu dhulkaasi hoos-tagay gumaystihii Ingiriiska, isagoo noqday maxmiyaddii British Somaliland sannadkii 1884-kii, waxayna arrintaasi ka soocday dalka ay deriska yihiin ee Soomaaliya oo Talyaanigu gumaysan jiray.

Qormadani waxaa kale oo uu xustay in markii ay Somaliland madax-bannaanida ka qaadatay Ingiriiska 26-kii Bishii June 1960-kii, in, in ka badan 30 Waddan oo ay ku jirto boqortooyada Ingiriisku ay Somaliland u aqoonsadeen waddan cusub hasa yeeshee dhawr maalmood kadib waxay Somaliland israac aan la mahadin la gashay Soomaaliyadii ka xorowday gumaystihii Talyaaniga 1-dii bishii July 1960-kii.

Warbixinta, ayaa lagu sheegay in muddo kooban kadib, ay ummada Somaliland dareemeen khaladka ay galeen, waxayna taasi keentay halgan adag oo dib loogu xaqiijiyey qaranimadda Somaliland kadib markii Magaaladda Burco lagaga dhawaaqay dib ula soo noqoshada Madax-bannaanida Somaliland 18-kii bishii May 1991-kii.

Warbixintani waxaa kale oo ay iftiimisay in Somaliland ay ku adkaysanayso inay buuxisay inta badan shuruudihii looga baahnaa qaran dimuquraadi ah oo madax bannaan, maadaama ay qabatay doorashooyin xor iyo xalaal ah, isla markaana ay samaysay lacag dalkeeda u gaar ah, ciidamo ilaaliyaha qaranimadeeda iyo inay leedahay Baasaboor gaar u ah.

Waxaa kale oo falanqayntan lagu sheegay in Somaliland oo ku taala gacanka cadmeed ee Geeska Afrika ay dowladnimadeedu si buuxda u shaqaysay soddonkii sanno ee u danbeeyay isla-markaana ay xidhiidh la leedahay ummadaha kale ee dunnida.

Sidoo kale, warbixinta, ayaa lagu sheegay in Somaliland ay heshiis weyn oo dhinaca maalgashiga dekedaha ah la gashay Itoobiya oo diyaar u ah inay aqoonsato dowladnimadeeda taas oo ay kaga bedelanayso sidii ay Itoobiyana u heli lahayd Saldhig ay ka gasho biyaha Badda Cas. Heshiiskaasna ay Itoobiya ku ballan qaaday in ay Somaliland u aqoonsanayso dal madax-banaan, uuna daah-furayo faa’iidooyin siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo la taaban karo.

Warbixintan, ayaa lagu sheegay in marxalada u danbaysaa ay tahay in Soomaaliya ay aqoonsato madax-banaanida Somaliland si loo soo afjaro colaadda muddada sanadaha ah soo jiitamaysay ee labada dal u dhaxaysa.

Ugu dambeyntii, waxaa lagama maarmaan ah ayay warbixintu tidhi in quwadaha caalamiga ahi ay ka tanaasulaan habkooda taariikhiga ah oo ay si macno leh uga qaybqaataan xasilloonida iyo kobaca gobolka, taas oo awood u siinaysa dadka Afrikaanka ah, ee laga reebay nolol wanaagsan inay helaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here